4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 31, 2022
Ciidamada cirka ee Itoobiya oo duqeeyay magaalada Maqale
 

Arbaco, Agoosto, 31, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in habeenkii xalay ahaa duqaymo culus loo gaystay magaalada Maqale ee xarunta gobolka Tigray.

Wali lama ogaan khasaaraha ka dhashay duqeyntan, balse Afhayeenka TPLF Getachow Reda ayaa xaqiijiyay in diyaarad Drone ah ay xalay duqeyn u gaysatay magalada Maqale ee xarunta gobolka Tigray.

Getachow Reda ayaa sidoo kale sheegay in duqeyntii xalay ka dhacday magaalada Maqale aysan bar-tilmaameedsan xero ciidan, balse diyaaradu ay duqeysay Isbitaalka Maqale, waa siduu hadalka u dhigay Afhayeenka TPLF Getachow Reda.

Ciidamada Cirka ee Itoobiya ayaa maalinimadii shalay waxay sheegeen inay ku jiraan heegan buuxa, iska markaana ay mar walba diyaar yihiin.

Dagaalka ay dowladdu kula jirto kooxda TPLF ayaa wali socda, iyadoo abaabul ciidan oo ballaaran uu ka jiro degaannada Axmaarada iyo Canfarta oo ay deris yihiin Tigreegga.

Labada dhinac ee dagaalku ka dhaxeeyo mid walba guulo waawayn ayuu dagaalkan ka sheeganayaa, balse guulahaa ay sheeganayaan ma jirto ilo madax banaan oo xaqiijin kara.