4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 30, 2022
TPLF oo Soomaalida Itoobiya ugu baaqday inaysan ka qeyb qaadan dagaalada ka socda waqooyiga Itoobiya
 

Talaado, Agoosto, 30, 2022 (HOL) - Kooxda TPLF ayaa ugu baaqday dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Itoobiya in aysan qeyb ka noqon colaadda kasoo cusboonaatay waqooyiga Itoobiya.

Afhayeenka Kooxda TPLF, Getachew K. Reda ayaa sheegay in dagaalka todobo cishe kahor ka qarxay waqooyiga Itoobiya haddana socda uu yahay dagaal lagu qasbay ayna difaacayaan aayahooda.

Getachew K. Reda ayaa sheegay inaysan jirin sabab Soomaalida dhulkooda ugasoo tagaan una yimaadaan Walqayt oo dagaaladu ka socdaan.

Afhayeenka TPLF wuxuu sheegay inaysan doonayn inay bilaa sabab u dilaan Soomaalida, wuxuuna hadalkiisa ku daray inuu dagaalku u dhaxeeya Amxaarada iyo Tigreega oo isku haysta dhul.

“Dhallinyarada Dhagax buur inay halkaa ka yimaadaan oo ay yiraahdaan Walqayt Amxaaro ayaa iska leh, oo ay u halgamaan, sababta ku kalifaysa maxay tahay ,” ayuu yiri afhayeenka TPLF.

Hadalka TPLF ayaa kusoo aaday iyadoo haatan dalka Ethiooia uu ka socdo dagaal xooggan oo u dhaxeeya dowladda Itoobiya iyo Kooxda TPLF.

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Muxamed Cagjar ayaa bogaadiyay ciidamada dagaalka kula jira TPLF.