4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 29, 2022
Soomaaliya iyo Maraykanka oo kawada hadlay xoojinta taageerada Mareykanka uu siiyo ciidamada Soomaaliya
 

Isniin, Agoosto, 29, 2022 (HOL) - Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa la kulmay Gen. Michael Langley, Taliyaha cusub ee ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo soo gaaray Muqdisho.

Wasiirka gaashaandhigga iyo taliyaha AFRICOM waxay ka wadahadleen iskaashiga dhanka ciidamada iyo xoojinta taageerada Mareykanka uu siiyo ciidamada Soomaaliya ee dagaalka kula jira xagjirnimada.

Wasiirka ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa twitterka wuxuu ku boggaadiyay doorka AFRICOM ee horumarinta nabadda iyo amniga gobolka.

Gen. Michael Langley ayaa bishaan August 19-keedii la wareegay xilka taliyaha ugu sareeya ee Maraykanka u qaabilsan Afrika, isaga oo hoggaamindoona hawlgalada ciidamada Maraykanku ka wadaan Afrika.

Langley, oo noqday qofkii ugu horreeyay ee Afrikaan Mareykan ah oo ka tirsan ciidamada Marines-ka oo loo dalacsiiyo jeneraal afarta xidigle ah, ayaa xilka kula wareegay  xaflad ka dhacday magaalada Stuttgart ee Jarmalka.

Waa ninkii labaad ee Afrikaan Mareykan ah ee hoggaamiya taliska AFRICOM, oo ay ka joogaan ilaa 6,000-7,000 oo askari oo ku kala sugan guud ahaan qaaradda Afrika.