4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 28, 2022
Xisbiga Waddani: Waxaanu soo dhawaynaynaa soojeedinta guddida
 

Axad, Ogosto, 27, 2022 (HOL) - Xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani, ayaa soo dhaweeyay talada ay soojeediyeen guddida isku xilqaantay xalinta khilaafka doorashooyinka Somaliland.

Xogeeyaha xisbiga Khadar Xuseen Cabdi, oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in ay aqbalayaan soona dhawaynayaan soojeedinta guddida, si ay u ilaaliyaan sumcada iyo wadajirka Somaliland.

"Anaga oo rabna in dalkeena xal siyaasi ah laga gaadho, si sumcadiisa, wadajirkiisa iyo horu-socodkiisaba loo ilaaliyo oo loo dhowro, waxaanu soodhawaynaynaa soojeedinta guddida ganacsatada J. Somaliland" ayuu yidhi Khadar.

Madaxweynaha ayuu ugu baaqay in uu taageero soojeedinta guddida, "Waxaanu ku boorinaynaa madaxweynaha iyo xukuumadaba in anay carqaladaynin ama anay fashilinin, iskudaygaa ugu danbeeyay ee ay guddida ganacsatadu isku dayayaan in arrimaha taagan xal loogu helo".

Waxa uu sheegay in ay ka mucaarad ahaan ka warsugayaan golayaasha sharci-dejinta oo guddidu ay ku socodsiisay soojeedintooda, si ay salka ugu dhigaan sharcigii meel marin lahaa.

Wali xukuumada Somaliland kama hadal mawqif keeda ku aadan soojeedinta ganacsatada, ee odhanaysa "Ha la is raaciyo doorashooyinka madaxtooyada iyo urrurada siyaasada", waxaana jira urruro dhawra oo ilaa hada ka horyimid soojeedinta guddida.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]