4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 28, 2022
Wararkii u dambeeyay ee dagaalka ka soconaya Waqooyiga Itoobiya

Axad, Agoosto, 28, 2022 (HOL) - Wararkii u dambeeyay ee kasoo baxaya dagaalka u dhaxeeya Ciidamada Itoobiya iyo Kooxda TPLF ayaa sheegaya in Militariga Itoobiya ay ka baxeen magaalada Kobo ee degaanka Axmaarada.

War saxaafadeed kasoo baxay dowladda Itoobiya ayaa lagu xaqiijiyay arrinkan, iyadoo dowladdu ay War saxaafadeedkan ku sheegtay inay xeelad dagaal uga baxeen magaalada Kobo, sidoo kalena magaalada ay ku dhex nool yihiin dad shacab ah sidaa darteedna aan lagu dhex dagaalami karin shacabka dhexdiisa.

Intaa kaddib waxaa magaalada Kobo gacanta ku dhigay kooxda TPLF, iyagoo markii horena gantaalo kusoo tuuray dhinacyada magaalada Kobo.

Kobo waa magaaladii u horreysay ee ay dowladdu caddeysay inay ka baxday gacanteeda, walow ay taasi ku tilmaantay xeelad dagaal haddana waxay dowladdu qiratay in TPLF ay jihooyin dhawr ah magaaladan kasoo weerartay.

Dhinaca Canfarta oo dagaalku ku badnaa maalmihii u dambeeyay, TPLF waxaa usuurowday inay gacanta ku dhigaan magaalo muhiim ah oo dhacda degaanka Canfarta, iyadoo War saxaafadeed kasoo baxay dhinaca Canfartana lagu cambaareeyay kooxda TPLF, oo ay Canfartu sheegeen inay TPLF xasuuqday dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Canfarta ayaa dhankooda waxay Ciidamo badan soo dhoobeen goobaha uu dagaalku ka socdo ee ay isku hayaan TPLF, iyaga oo kaa shanaya Militariga Itoobiya.

Isu soo duuboo, dagaalkan ayaa u muuqda mid labada dhinac ay isu adeegsanayaan wax walba oo ay awoodaa, dowladda Itoobiya waxay dhawr jeer duqaymo ka gaysatay goobo ay ku sheegtay inay ku sugan yihiin kooxda TPLF, halka kooxda TPLF ay iyaguna madaafiic ku garaacayaan dhulka ay isku hayaan iyaga iyo labada degaan ee Canfarta iyo Axmaarada.

Inta uu dagaalku socdo War saxaafadeedyada labada dhinac kasoo baxaya waxa uu mid walba ka kale ku eedeynayaa inuu gaystay xasuuq badan.

Lama oga halka uu ku dambeyn doono dagaalkan markii labaad ka dhex qarxay Itoobiya iyo TPLF, balse wadamada reer galbeedka ayaa cadaadis xooggan saaraya labada dhinac ee uu dagaalku ka dhaxeeyo, si ay ujoojiyaan xabadda.