4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 27, 2022
Maxaa ka ogtahay qorshaha magaca Buundada Abwaan Hadraawi ee magaalada Baledweyne
 

Sabti, Agoosto, 27, 2022 (HOL) - Allah u naxariiste Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame Hadraawi oo ka mid ahaa shaqsiyaadka magaca iyo mansabka weyn kaga tagay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, ayaa geeridiisa kadib waxaa isa soo taraayay talooyin kasoo baxaayay  qeybaha kala duwan ee bulshada reer Baledweyne oo ay ku doonayaan iney ku maamuusaan amaantii iyo bogaadintii uu Baledweyne kala duldhacay Abwaanka inta uu noolaa.

Baraha Bulshada ay ku xariirto waxaa saacadahii lasoo dhaafay si weyn u buux dhaafiyay aragtiyo midaysan oo ay soo bandhigayaan dadka kasoo jeeda gobolka Hiiraan, gaar ahaan Magaalada Baledweyne, kuwaas oo talo ahaan usoo jeedinaayay in Allah u naxariistee Abwaan Hadraawi loogu magacdaro Buundada Liqliqato ee magaalada Baledweyne oo aheyd Buundadii uu Abwaanka kula kulmay gabadhii quruxda badneyd ee reer Baledweyne ee lagu magacaabay Beerlula.

Dadweynaha reer Baledweyne ayaa ka mid ah dadka ugu badan ee soo bandhigaya aragtida ah in Buundada Liqliqato loo bixiyo magaca Abwaan Hadraawi, waxayna baaqyo xoog leh u dirayaan guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan si uu u hirgaliyo magaca la doonayo in loo bixiyo Buundada Liqliqato, islamarkaana lagu maamuuso Abwaankii qiimaha badna ee sida gaar ahaaneed u sharfay magaalada Baledweyne.

Siyaasi Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ka mid ah siyaasiyiinta soo jeediyay in Buundada Liqliqato loogu magac daro Allah u naxariiste Abwaan Hadraawi oo loo bixiyo Buundada Hadraawi.

"TALO JEEDIN:  Buundo Hadraawi Heestii caanka ahayd ee “Beledweyn” ee uu tiriyay Alle ha u naxariistee Abwaan Mohamed Ibrahim Warsame “Hadraawi” waxaa gundhig u ahaa gabadhii qurxooneyd “Beerlula” oo uu kula kulmay guudka buundada caanka ah ee “Liq-liqato”. Haddaba, waxaan talo ku soo jeedinayaa in buundadaas loogu magac daro Hadraawi oo loo bixiyo BUUNDADA HADRAAWI. Haddii aad ku qanacsantahay in buundada magaceeda la baddalo, gaarsii farriin dhambaal ah Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ee Soomaaliya Mudane Cali Jeyte Cismaan BUUNDADA LIQ-LIQATO HA LAGA DHIGO BUUNDADA HADRAAWI” ayuu kusoo qortay bartiisa Facebook Siyaasi Cabdullaahi Goodax Barre.

Hadii ay hirgasho aritaan ay sida weyn u daneynayaan shacabka reer Baledweyne, waxaa markale sii fidi doona xasuusaha uu magaalada Baledweyne ku leeyahay Allah u maxariiste Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame Hadraawi oo horay looga heystay xasuusta Heesta Baledweyne iyo Beerlula haatana ay kusii darsoomi doonto Buunadada Abwaan Hadraawi.

Akhriste sidee u aragta magaca Buunadada Hadraawi ee magaalada Baledweyne.