4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 27, 2022
Xildhibaan Sanyare: Xogta Shabaabkii Gaalkacyo dadka ku dili jiray waxaan ku ogaanay Masaajid aan xirnay
 

Sabti, Agoosto, 27, 2022 (HOL) - Guddoomiyihii hore ee gobolka Mudug, xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur yare ayaa sheegay in masaajid Gaalkayco kuyaalla oo hortiisa lagu dilay 12 qof ay ku ogaadeen xogta shabakad katirsan Alshabaab oo Gaalkacyo dadka ku dili jiray.

Xildhibaan Sanyare ayaa sheegay inay masaajidkaas xireen markii lagu dilay qofkii ugu dambeeyay. wuxuuna sheegay xiritaankiisa inay ku ogaadeen guud ahaanba xogta lagusoo qabtay 18 oo katirsanaa Alshabaab, kuwaas oo muddo 13 sano ah Gaalkacyo ka geysanayay dilal iyo qaraxyo.

“Haddaanan tallaabadaas qaadayn oo masaajidkaas xirin, oo wadaadka aanan xirin, xogba maanu heleen. Xogta gebigeedba meeshaanu ka helnay waa masaajidkaas,” ayuu yiri xildhibaan Sanyare.

Xildhibaan Sanyare wuxuu sheegay inay odayaasha iyo wadaadada Gaalkacyo ka hor yimaadeen qorshahooda amniga magaalada Gaalkacyo.

Wuxuu sheegay in odayaasha qaybtood ay heshiisyo nabadeed kula jireen kooxda Alshabaab, dhowrna marna looga yeeray gobolka Shabeeladda hoose, si ay naftooda badbaado u hesho.

Waxaa kaloo sheegay inay hayaan liiska badan oo ganacsato ah oo xiriir dhow lalahaa Alshabaab, isagoo sheegay inay ku ogaadeen xogta ay bixiyeen shabakadii la qabtay dhammaadkii 2020.

Bishii June, 2021, Puntland ayaa xukun dil ah ku fulisay 18 nin oo katirsanaa Alshabaab, kuwaas oo lagu helay inay ka dambeeyeen qaraxyadii iyo dilalkii Gaalkacyo laga geysan jiray illaa 2008.