4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 25, 2022
Xisbiga Waddani oo cambaareeyay dilkii Ceerigaabo ka dhacay
 

Arbaca, Ogosto, 24, 2022 (HOL) - Xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani, ayaa xukuumada ku eedeeyay in ay ku dhiiratay in ay shacabka layso, isaga oo soo jeediyay in talaabo laga qaado cidii dishay ninkii Ceerigaabo lagu dilay.

Xogeeyaha Guud ee Xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi, ayaa cambaareeyay falka dilka ah iyo shacabkii ku wax yeeloobay mudaharaadkii ka danbeeyay.

"Waxaanu ka xunahay muwaadinka la dilay ... waxaanu ka xunahay rabshadihii shalay Ceerigaabo ka dhacay iyo sida ay xukuumadu uga jawaabtay, maanta waddankeena waxad moodaa in xukuumad ay ku dhiiranayso in dad si fudud loo dilo" ayuu yidhi Khadar.

Waxa uu sheegay in dilalku ay Somaliland khatar ku yihiin, isaga oo sidookale xusay dadkii ku nafwaatay mudaharaadadii ay mucaaradku soo abaabuleen ee qabsoomay 11 August.

"Hore Ceerigaabo dad ayaa loogu dilay, Burco dad ayaa ku dhintay waa dhaqan cusub oo run ahaantii Somaliland dhibaato u horseedaya, in si fudud dadka xabad loogu dhufto oo ay u dhintaan" ayuu yidhi Khadar.

Waxa uu soo jeediyay in xaalada la dajiyo, isla markaana xukuumadu si cad uga howlgasho, cidii khalad samaysay sharciga la hor geeyo.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]