4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 24, 2022
Nabadoon caan ka ahaa magaalada Muqdisho oo Maanta lagu dilay Suuqa Bakaaraha
 

Arbaco, Agoosto, 24, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil duhurnimadii Maanta loogu geystay gudaha suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho Nabdoon Maxamed Nuur Diiriye oo ka mid ahaa nabadoonada caanka ka ah magaalada Muqdisho.

Allah u naxariiste nabadoon Diiriye ayaa la tilmaamay in dilkiisa ay geysteen rag bastoolado ku hubeysnaa, kuwaas oo la sheegay iney dhowr xabadood kaga dhufteen qeybaha sare ee jirkiisa, islamarkaana ay si deg deg ah uga baxsadeen goobta ay ku dileen marxuumka.

Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka dowladda Soomaaliya ayaa dilka kadib gaaray goobta, kuwaas oo howlgalo kooban ka sameeyay goobta hayeeshee lama sheegin cid ay usoo qabqabteen falka dilka ee lagu khaarajiyay Nabadoon Maxamed Nuur diiriye.

Marxuumka wuxuu ahaa Nabadoon iyo ganacsade si weyn looga yaqaanay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, lamana oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilkiisa, hayeeshee dilkiisa ayaa qeyb ka noqonaya dilalka ka dhaca magaalada Muqdisho ee Caaasimadda Soomaaliya ee lagu beegsado dadka waxtarka u leh bulshada Soomaaliyeed.