4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 24, 2022
Gen Odowaa: Shacabka gobolka Hiiraan waxaa laga dulqaaday arxanlaawayaashii Alshabaab
 

Arbaco, Agoosto, 24, 2022 (HOL) - Taliyaha ciiddanka xoogga dalka general Odowaa Yuusuf Raage oo booqday gobolka Hiiraan ayaa si weyn u bogaadiyay howlgallada ciidamada xoogga dalka, kuwaas oo Alshabaab ka xorreeyay deegaanno badan oo gobolkaas kuyaalla.

Taliyaha milatariga ayaa shacabka gobolka Hiiraan u ballanqaaday in deegaannada la xorreeyay aysan dib ugusoo laaban doonin Alshabaab islamarkaana wuxuu sheegay ciidamada milatarigu inay shacabka gobolka Hiiraan ka dulqaadeen ciriirigii iyo arxan la'aantii Shabaabku ku hayeen, sida uu sheeegay.

General Odawaa waxa uu sheegay shacabka deegaannada la xorreeyay ugu baaqay inay ciidamada dowladda la shaqeeyaan oo ay usoo gudbiyaan xogta Alshabaab, si looga hortago.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa hadalkaan jeediyay kadib markii isaga wasiirka gaashaandhigga iyo xildhibaanno katirsan barlamaanka ay booqdeen deegaannadii laga saaray Alshabaab.

Mas'uuliyiintan waxay dhiirri galin u sameeyeen ciidamada xorraynta gobolka Hiiraan, iyagoo sheegay in dowladdu u jihaysatay in Alshabaab laga xorreeyo dalka meel kasta oo ay kaga sugan yihiin.