4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 23, 2022
Shil gaari oo sababay dhimashada afar ruux oo ka dhacay duuleedka magaalada Jowhar
 

Talaado, Agoosto, 23, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya tuulada Dhaygawaan oo ka mid ah tuulooyinka hoostaga degmada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay shil gaari oo sababay dhimashada afar ruux.

Gaariga shilka galay ayaa noociisu ahaa Cabdibile, kaasoo la sheegay inuu ku socday xawaare aad u badan oo uu mar qura wadada ka baxay, isagoona ku rogmaday goob biyo mareen ah oo loo yaqaano kili, waxaana la sheegay in shilkaasi ay ku geeriyoodeen afar askari oo saarneyd gaariga.

Askarta ku geeriyootay shilkaan gaari ayaa la tilmaamay iney ka mid ahaayeen ilaalada wasiirka Maaliyada maamul goboleedka  Hirshabelle Cali Cabdulle Nuur.

Shilalka gawaarida ayaa inta badan yimaada wadayaasha gawaarida oo isticmaala xawaaraha ugu danbeeya ee wadista gaariga, taasi oo sababta in istaajintiisa uu xakameyn waayo wadaha gaariga marka uu meel dhaw ka arko waxyaabo qatar ah iyo wadooyinka ay ku wadaan oo ah kuwa aad u burbursan.