4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 15, 2022
Milatariga Soomaaliya oo sheegay inay dileen 14 dagaalame iyo horjoogahooda oo katirsan Alshabaab
 

Isniin, Agoosto, 15, 2022 (HOL) - Ugu yaraan 14 ka tirsan Alshabaab oo uu ku jiro sarkaal lagu magacaabo Maxamed Weheliye Waasuge, ayaa lagu dilay howlgal ay ciidamada Soomaaliya ka sameeyeen agagaarka degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Sida uu warbaahinta ku hadasha afka dowladda u sheegay taliyaha ciidamada dhulka ee xoogga dalka, howgalka ayaa intii uu socday waxay ciidamada dowladda kusoo furteen hub iyo rasaas badan

Warar aan helnay waxay sheegayaan in ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ay caawin ka heleen weerar duqayn ah oo uu Maraykanku uu ku dilay 13 xubnood oo ka tirsan Shabaabka ku sugan Hiiraan.

Waa duqayntii afaraad oo Maraykanku uu ka geysto Soomaaliya muddo maalmo ah gudaheed. Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Mareykanka oo ku aadan duqeyntan.

Maraykanku duqayntii hore wuxuu sheegay inuu ku dilay afar xubnood oo katirsan ururka Alshabaab.

Tan iyo markii Alshabaab weerareen Itoobiya, Maraykanka waxa uu kordhiyay dhaqdhaqaaqyadiisa milatari ee ka dhanka ah Alshabaab. Gaar ahaan gobolka Hiiraan, halkaas oo muddooyinkii ugu dambeeyay shabaab ka wadeen dhaqdhaqaaq xoog leh.