4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 14, 2022
Ciidamada dowladda oo goordhaw la wareegay gacan ku heynta deegaanka Teedaan ee gobolka Hiiraan
 

Axad, Agoosto, 14, 2022 (HOL) - Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo garab ka helaya ciidanka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleey ayaa barqanimadii Maanta la wareegay gacan ku heynta deegaanka Teedaan oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Ciidamada is garabsanaya ayaa la tilmaamay iney si nabadgalyo ah kula wareegay gacan ku heynta deegaanka Teedaan, kadib markii Al-shabaabkii halkaasi ku sugnaa ay isaga baxeen deegaanka, waxaana xusid mudan in deegaanka Teedaan uu ka mid ahaa deegaanada ay sida weyn ugu xooganayeen Al-shabaabka ku sugan gobolka Hiiraan.

Ka hor inta aysan ka bixin ciidanka Al-shabaab deegaanka Teedaan ayaa lasoo wariyay iney qarxiyeen Ceel biyoodkii uu lahaa deegaankaasi, waxaana jirtay in Al-shabaab sidaan oo kale dhawaan ay u qarxiyeen Ceelashii biyaha ilaa 7 tuulo oo ka mid ah tuulooyinka hoostaga degmada Maxaas, islamarkaana ay gubeen guryahii ku yaalay tuulooyinkaasi.

Ciidanka Maanta la wareegay deegaanka Teedaan waxaa la socday oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay howlgaladooda qeyb ka ahaa Xildhibaanada kala ah Maxamed Cabdullaahi Buraale Raaxeeye iyo Maxamed Cabduqaadir Maxamed, waxaana howlgaladaani hoggaaminaayay guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo sheegay iney ka go'an tahay inuu Al-shabaab ka xoreeyo deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolka Hiiraan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]