4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 14, 2022
Faahfaahino kasoo baxaya dagaal Al-shabaab iyo ciidanka Macawiisleyda ku dhexmaray gobolka Hiiraan
 

Axad, Agoosto, 14, 2022 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya deegaanka Xalfooleey oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi uu dagaal xoogan ku dhexmaray dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab iyo ciidanka loo yaqaano Macawiisleeyda ee gobolka Hiiraan kula dagaalama Shabaab.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu bilaawday kadib markii ciidanka Macawiisleeyda ay weerar xoogan ku qaadeen gudaha deegaanka Xalfooleey oo ay ku sugnayeen dagaalyahanada Al-shabaab, waxaana la sheegay in dagaalka la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, hayeeshee si rasmi ah looma oga khasaaraha kala gaaray labada dhinac.

Horjooge u hadlay ciidanka macawiisleyda ayaa sheegay iney Al-Shabaab ay kala wareegeen gacan ku heynta deegaanka, Islamarkaana khasaaro ay ku gaarsiiyeen dagaalkii ay la galeen, inkastoo aysan jirin warar madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada horjoogaha Macawiisleeyda.

Sikastaba ha ahaatee ciidanka Macawiisleeyda ayaa deegaanada gobolka Hiiraan kula dagaalama dhaqdhaqaaq hubeysan ee Al-shabaab, waxaana xusid mudan in ciidanka Macawiisleeyda ay labadii bilood ee lasoo dhaafay qeyb ka yihin howlgalada cidanka dowladda ay kula dagaalamayaan Al-shabaab ee ka socda inta u dhaxeysa magaalooyinka Baledweyne, Matabaan iyo Maxaas oo uu hoggaaminaayo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]