4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 14, 2022
Wasaaradda Batrolka iyo macdanta Soomaaliya oo amartay in laga guuro xarunteedii hore oo dad shicib ah dagan yihiin
 

Axad, Agoosto, 14, 2022 (HOL) - Wasaaradda Batrolka iyo Macdanta xukuumada Soomaaliya, ayaa amartay in si dhaqsi ah ay uga guuraan dadka degan xaruntii wasaaradda oo ku taala xaafadda Saybiyaano ee degmada Hodan.

Qoraal wasaaradda kasoo baxay ayaa lagu sheegay in dhismahan looga faaidaysandoono dantii guud ee loo dhisay.

Dadka degen dhismahan wasaaradda ayaa halkaas ku nool tan iyo markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya, waqtigaas oo xarumo badan oo dowli ah ay gacmaha u galeen dad shicib ah.

Wasaaraddu wax waqti ah uma qaban dadku inay uga guuraan xarunteeda, balse waxay ku amartay inay sida ugu dhaqsiyaha badan uga rartaan agabkooda.