4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 11, 2022
Maraykanka oo baaq u diray xukuumada iyo mucaaradka Somaliland

Khamiis, Ogosto, 11, 2022 (HOL) - Dowlada Maraykanka ayaa xukuumada iyo madaxda mucaaradka Somaliland ugu baaqday in ay kusoo laabtaan miiska wadahadalada.

Qoraal kasoo baxay Safaarada Maraykanka ee Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in dowlada Maraykanku mucaaradka iyo muxaafadka Somaliland usoo jeedinayso in ay ka fogaadaan qaska siyaasadeed oo ay kusoo laabtaan miiska wadahadalada.

"Waxaanu ku boorinaynaa xisbiga talada haya iyo hogaamiyayaasha mucaaradka Somaliland in ay ka fogaadaan qaska inta mudaharaadyadu socdaan, ayna si deg deg ah ugu soo noqdaan wadahadaladii siyaasadeed" ayaa lagu yidhi qoraalka safaarada.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in khilaafku uu khatar galinayo nidaamka dimuquraadiga ah ee Somaliland "Guuldarada keen tay in laga heshiin waayo khilaafka doorashooyinka waxay khatargalinaysa guulaha Somaliland ee ah in ay tahay dowlad dimuquraadi ah".

Rabshado ka dhashay mudaharaado ay mucaaradka Somaliland saaka ka dhigeen magaalooyinka waa wayn ee Somalilad, ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac tiro badan.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]