4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 11, 2022
Dagaal u dhaxeeya Soomaali iyo Canfar oo maanta ka dhacay tuulooyin hoos yimaadda dowlad degaanka Soomaalida

Khamiis, Agoosto, 11, 2022 (HOL) - Wararka aan ka helayno galbeedka Sitti ee dowlad degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in uu dagaal culus oo u dhaxeeya Soomaalida iyo Canfarta, uu ka socdo dhawr aag oo ku teedsan xuduudda labada degaan ee Soomaalida iyo Canfarta.

Dagaalkan oo saansaantiisu ay socotay maalmihii lasoo dhaafay ayaa saaka un ka billaabmey magaalooyinka Cundhufo, Danlahelay, iyadoo warar aan la xaqiijin karin ay sheegayaan in weerarku markii hore ay soo billaabeen maleeshiyaadka Canfartu.

Lama ogaan ilaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkan, iyadoo wali aysan labada dhinac midna ka hadlin dagaalkan.

Dagaalkan ayaa kusoo beegmaya xilli aan wali wax xal ah aan laga gaarin colaadda u dhaxeysa Soomaali iyo Canfar, isla markaana Ciidankii dowlad degaanka Soomaalidu ay badankood jiraan dhanka xuduudda degaanku la leeyahay Soomaaliya, halkaas oo ay Ciidanku ujoogaan sugidda amniga xuduudaha.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]