4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 11, 2022
Madaxda mucaaradka Somaliland oo fariin u diray madaxweyne Biixi
 

Khamiis, Ogosto, 11, 2022 (HOL) - Madaxda xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani, ayaa madaxweyne Biixi ugu hanjabay in anay madaxweynenimo u aqoonsan doonin hadii doorashada madaxtooyadu wakhtigeeda dib uga dhacdo.

Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in Somaliland ku bad baadayso doorasho xor oo xalaal ah, waxaanu madaxweynaha ugu hanjabay in aanu aqoonsan doonin hadii 13 November la gaadho doorasho la'aan.

"Taageerayaasha xisbiyada mucaaradka ahi ha noolaadeen, cidkasta oo dimuquraadiyada Somaliland taageeraysa ha noolaato, Somaliland doorasho xor oo xalaal ah ayay ku nabadgalaysa, ku badbaadaysa, 13 November hadii ay doorashadii madaxtooyadu dhici waydo waynu u simanahay kursiga" ayuu yidhi Cirro.

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa isna sheegay in madaxweynuhu uu kursiga ku joogi karo rabitaanka shacbiga oo kali ah "Muusow kaare ku ilaalin maayo, rabitaanka dadka ayaa lagu joogaa".

Madaxda mucaaradka ayaa boqollaal taageerayaal ah kula hadlay magaalada Hargaysa, kadib markii ay mudaharaadayaashu ku qasbeen in ay kasoo baxaan xafiiska xisbiga ee xaafada New Hargaysa, oo ay hogaamiyaan mudaharaadka.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]