4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 11, 2022
Dhibaatooyin nololeed oo ay wajahayaan dadkii dhawaan Al-shabaab guryahoodii ka gubeen
 

Khamiis, Agoosto, 11, 2022 (HOL) - Xaalado nololeed oo aad u adaran ayaa lasoo gudboonaatay boqolaal shacab ah oo dhawaan guryahoodii ay dab qabad siiyeen Al-shabaab, kuwaas oo haatan lasoo sheegayo iney gaajo iyo haraad la ildaran yihiin caruurta iyo dadka waayeelada ah ee ka barakacay deegaanadii dhawaan Shabaab ka gubeen.

Todobaadkaan gudahiisa ayay aheyd markii Al-shabaab ay gubeen ilaa 7 tuulo oo ka mid ah tuulooyinka u dhaxeeya Maxaas iyo Matabaan, islamarkaana ay qarxiyeen ceelashii biyaha ay ka cabi jirieen dadka iyo duunyada ku noolaa deegaanadaasi.

Mid ka mid ah waxgaradkii deegaanada la gubay ka barakacay ayaa sheegay in haatan xaaladooda nololeed ay tahay mid aad u lidata maadama aysan heysan waxay cunaan ama cabaan, meesha ugu dhaw ay biyo ka heli karaana ay tahay meel u jirta 70 KM.

"Al-shabaab waxay naga gubeen aqaladeeni anago leh hanaga gubina ayay nagu hor gubeen guryahii, dugsiyadii quraanka iyo waliba ceelashii biyaha aan ka cabeynay, mana naqaan sababta ay sidaas u sameyeen, hada laba caruur ah ayaan gacanta ku haysta oo meel banaan la taaganahay wax cuno uma haayo biyana warkooda iskaba daa xaalada way nagu xun tahay" ayu yiri mid ka mid ah dadki ka barakacay deeganada la gubay.

Majirto wax gurmad ah oo ilaa hadda la gaarsiyay qoysaskan ku dhibaateysan inta u dhaxeysa degmooyinka Maxaas iyo Matabaan, kuwaas oo laga gubay deegaanadii ay ku noolaayeen.

Dhnaca kale madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa Xalay magacaabay guddi heer wasiiro ah oo gurmad gaarsiiya dadka ay Al-shabaab ka gubeen tuulooyinkii ay ku noolaayeen, islamarkaana ka duugeen ceelashii iyo barkadahii biyaha, hayeeshee guddiyada ay magacabaan maamulada iyo dowladda Fedaraalka ayaa inta badan waxba ka badalin marxaladaha loo magacaabo guddiyadaasi iney wax ka qabataan.