4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 11, 2022
Madaxweynaha Uganda oo Qaramada Midoobay ku booriyay in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka
 

Khamiis, Agoosto, 11, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni iyo dhiggiisa Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka codsaday in laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran Geeska Afrika, si ay u dhistaan awoodda ay ku maareyn karaan ammaanka.

War-murtiyeed ay si wadajir ah u soo saareen labada mas’uul ayaa waxay ku sheegeen inay bogaadinayaan taageerada golaha ammaanka ee dadaallada lagu xasilinayo Soomaaliya, balse waxay ugu baaqeen hay’adda Qaramada Midoobay inay ka fiirsato qaadista cunaqabateynta hubka si dalka Soomaaliya uu u guto mas’uuliyadda amni ee saaran.

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa tan iyo isniintii u jooga dalka Uganda booqasho saddex maalmood ah, isagoo wada hadallo laba geesood ah kula yeeshay aqalka madaxtooyada ee Entebbe, madaxweynaha Uganda.

War-murtiyeedka laga soo saaray wadahadalka kaddib oo ay ku kala saxiixdeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Uganda Gen Abubaker Jeje Odongo iyo dhiggiisa Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac, ayay ku gaareen heshiis is afgarad ah oo ku saabsan ganacsiga iyo maalgashiga.