4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 30, 2022
Qarax sababay dhimashada 10 askari oo ka dhacay inta u dhaxeysa Balcad iyo Golaley ee gobolka Sh/dhexe
 

Sabti, April, 30, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo ahaa nooca dhulka lagu aaso oo lala eegtay kolanyo gaadiid ah oo uu la socday korneyl Saney Cabdulle, kuwaas oo kusii jeeday magaalada Jowhar si ay uga qeyb galaan doorasho Maanta ka dhaceysa Jowhar.

Qaraxa miino ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa magaalooyinka Balcad iyo Golaley ee gobolka Sh/dhexe, waxaana inta la xaqiijiyay qaraxaasi ku geeriyootay ilaa 10 askari oo ka mid aheyd ilaalada korneyl Saney Cabdulle.

Wararka waxay intaasi ku darayaan in askarta dhimatay meydkooda la geyay magaalada Jowhar, halka kuwa dhaawacmay dib loogu celiyay magaalada Muqdisho inkastoo aanan tiro rasmi ah laga heynin dhaawaca askarta Muqdisho loo qaaday.

Ma ahan markii ugu horeysay oo qarax noocaan oo kale ah lala eegto masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ku safreysa wadada xariirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar, waxaana halkaasi inta badan lagula beegsada saraakiisha ku safreysa weeraro toos ah kuwa gaadmo ah iyo qaraxyo nooca dhulka lagu aaso oo khasaaroyin kala duwan kasoo gaara.

Mudooyinkii dambe waxaa gabi ahaanba aad u yara in saraakiisha dowladda iyo Hirshabeelle iney safar dhulka ah ku maraan wadada xiriira Jowhar iyo Muqdisho sababo la xariira amniga wadadaasi oo aad u qatar badan, waxaana madaxda iyo saraakiisha sar sare ee Hirshabeelle ay ku tagaan magaalada Jowhar ugana soo baxaan diyaarad.
    
Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online