4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 29, 2022
Musharrax madaxweyne Dr. Cabdinuur Shiikh Maxamed oo si ballaaran loogusoo dhoweeyay magaalada Muqdisho


Jimco, April, 29, 2022 (HOL) - Dr. Cabdinuur Shiikh Maxamed oo u sharraxan xilka madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya ayaa maanta si ballaaran loogu soo dhaweeyay Magaalada Muqdisho.

Xildhibaanno katirsan barlamaanka Soomaaliya, siyaasiyiin, aqoonyahanno iyo dadweyne aad u badan ayaa ka qeyb qaatay soo dhowaynta musharraxa madaxweyne ee dowladda Soomaaliya.

Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Buraale oo katirsan barlamaanka Soomaaliya, ayaa sheegay inay garab taagan yihiin musharaxa madaxweyne Dr. Cabdinuur Shiikh Maxamed.

“Waan sugeynay inuu in badan isbeddel yimaado, dadkeennuna ay kamid noqdaan dadka talada dalka wax ka haya. Muhiimadda aan xildhibaanimada u noqonay waa in dadkeennu ay noqdaan dadka dalka ugu sarreeya,” ayuu yiri xildhibaan Buraale.

Dr. Cabdinuur Sheikh Maxamed ayaa soo dhoweeyay isbeddelka ka socda Soomaaliya, wuxuuna sheegay doorashadii guddoonka barlamaanka Soomaaliya inay muujinayso in Soomaaliya diyaar u tahay doorasho hal qof iyo cod ah.

Musharrax Dr. Cabdinuur wuxuu soo dhoweeyay markii ugu horreysay barlamaanka Soomaaliya inay gabar ka noqotay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee barlamaanka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]