4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 28, 2022
Doorashada labada Guddoomiye ku xigeen ee Golaha Shacabka oo Maanta ka dhaceysa Magaalada Muqdisho
 

Khamiis, April, 28, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta ah lagu wadaa in Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho ay ka dhacdo doorashada labada guddoomiye ku xigeen ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.

Guddiga qabashada doorashada guddoonka Golaha Shacabka ayaa ku howlan u diyaar garoowga doorashada gudoomiye ku xigeenka koowaad iyo kan labaad ee Golaha Aqalka Hoose oo Maanta oo Khamiis ah dhaceysa sida uu qorshaha yahay.

Qabashada xilka guddoomiye ku xigeenka koowaad waxaa isku soo sharaxay ilaa 10 Musharax oo kala ah, Maxamad Cumar Caana nuug, Maxamad Cumar Ceymoy, Sacdiya Xaaji Yaasiin, Maxamad Nuur Abubakar Shariif Mustafa, Maxamad Cabdiqadir Jeego, Cabdiraxman Cabduqaadir Cadde, Cabdikariin Cabdow Xeydar, Khadiijo Maxamed Diiriye, Saciid Maxamed Maxamuud iyo Maxamed Cabdala Axmed.

Xilka guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya waxaa isku soo sharaxay Musharaxiinta kala ah, Cabdulaahi Cumar Abshirow, Mahad Cabdalla Cawad, Maxamad Xuseen Abuukar, Asad Cabdirisaaq Maxamad, Axmad Aadan Axmad, Saciid Maxamad Cali, Ayuub Ismaciil Yuusuf.

Xalay saqdii dhaxe ayay aheyd markii Xildhibaanada Baarlamaanka ay guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka u doorteen Sheekh Aadan Maxamed Nuur Aadan Madoobe, waxaana Maanta laga sugaya iney doortaan labadiisa ku xigeen.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online