4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 27, 2022
Doorashada guddoonka barlamaanka Soomaaliya oo si rasmi ah uga billaabatay teendhada Afisyooni
 

Arbaco, April, 27, 2022 (HOL) - Doorashada guddoonka barlamaanka Soomaaliya ayaa haatan ka billaabatay teendhada Afisyooni, iyadoo xal laga gaaray khilaafkii ka taagnaa xildhibaannada lagusoo doortay Ceelwaaq.

Waxaa la isku raacay inaysan codaynta doorashada ka qeyb qaadan xildhibaannada Ceelwaaq iyo xildhibaan Cali Gaab oo dhowaan lagusoo doortay magaalada Jowhar.

Sababta waxaa lagu sheegay maadaama xildhibaannadan aysan haysan kaararkii barlamaanka, in aanay suurtagal ahayn inay ka qeyb qaataan doorashada guddoonka barlamaanka.

Si kasta ha ahaatee, doorashada guddoonka barlamaanka ayaa la filayaa in lagu gaari doono waqti dambe oo caawa ah, waxaana hoolka doorashada ku sugan 257, waxaase codaynta ka qeyb qaadanaya 240 xildhibaan oo buuxiyay sharuudaha doorashada.

8 xildhibaan ayaa u tartamidoona doorashada guddoomiyaha barlamaanka, waxaana la filayaa inuu dhexmaridoona tartan adag oo doorasho ah.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]