4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 27, 2022
Wararkii ugu dambeeyay doorashada Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya
 

Arbaco, April, 27, 2022 (HOL) - Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho waxaa haatan ka soconaya diyaar garowgii ugu dambeeyay ee la xariira doorashada guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka Soomaaliya, kadib markii hoolka doorashada ay gareen Xildhibaano badan kuwa kalana ay haatan kusii qulqulayaan xarunta Teendhada Afisyooni.

Waxaa Maanta galinkii hore aad u adkeyd sidii Xildhibaanada Golaha Shacabka ay gudaha ugu gali lahayeen xarunta Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho, kadib markii la sheegay iney is hortaag ku sameyeen ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya.

Duhurnimadii Maanta ayay aheyd markii Guddoomiyaha kumeel gaarka ah ee golaha Shacabka Cabdisalaan Axmed Dhabancad iyo guddoomiyaha guddiga doorashada markii ay gudaha u galeen hoolka doorashada lagu qabanaayo, iyagoo ugu baaqay Xildhibaannada maqan inay si deg deg ah kusoo gaaraan Teendhada Afisyooni si doorashada guddoonka loo qabto.

Guddoomiye Dhabanacad ayaa sidoo kale ugu baaqay ciidamada Booliska Soomaaliya inay Xildhibaannada ka qaadaan  jidgooyooyinka ay u dhigteen si ay usoo gaaraan goobta doorashada guddoonka Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha doorashada guddoonka Golaha Shacabka Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa dhankiisa sheegay in Maanta oo ay taariiqdu tahay 27-ka bisha Apriil ay tahay maalintii loo asteeyay doorashada, islamarkaana ay dhici doonto doorashada oo aysan baaqan doonin.

Xaalada Teendhada Afisyooni ayaa haatan u muuqata mid laga dareemayo diyaar garoowgii ugu dambeeyay ee ku aadan qabsoomida doorashada gudoonka Golaha Shacabka iyo labadiisa ku xigeen oo la filayo in saacadaha soo socota iney bilaabato.

Lasoco waxii kusoo kordha wararkan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online