4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 27, 2022
Guddida Doorashooyinka Somaliland oo guddoomiye cusub doortay
 

Arbaco, April, 27, 2022 (HOL) - Qoraal lagu baahiyay boga Guddida Doorashooyinka Somaliland, ayaa lagu sheegay in xilkii laga qaaday guddoomiyihii guddida Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo-raac), isla markaana guddoomiye loo doortay Kaltuun Sh Xasan Cabdi.

Inkasta oo qoraalka doorashada guddoomiyaha cusub isla markiiba laga saaray boga guddida doorashooyinka hadana, xubnaha xisbiyada mucaaradka u qaabilsan wada shaqaynta guddida oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay in uu is badal dhacay.

Xisbiyada mucaaradku waxay sheegeen in xubnaha guddida uu sharcigu siinayo in ay doortaan qofka ay doonaan, isla markaana ay guddoomiyaha badali karaan xiliga ay doonaan, taasina ayna waxba u dhimayn shaqada guddida iyo doorashooyinka soo socda midna.

Riyo-raac oo aanu isku danynay in aanu wax ka waydiino mawqif kiisa ku aadan arrinta xil ka qaadista, ayayna noo suurogalin. Kaltuun ayaa ah gabadha kali ah ee kamid ah todobada xubnood ee guddida.

Wali ma cadda sababta keentay in waraaqda magacaabista laga saaro boga guddida doorashooyinka, iyo hadii uu jiro khilaaf ka dhashay xil ka qaadista Riyo-raac.


Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]