4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 26, 2022
Farmaajo: Xildhibaannada lagu soo doortay Garbahaareey iyo Ceelwaaq kama qeyb gali karaan doorashada barlamaanka
 

Talaado, April, 26, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in Xildhibaannada lagu soo doortay degmooyinka Garbahaarey iyo Ceelwaaq aysan ka qeyb gali karin doorashada guddoonka barlamaanka.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu sheegay sababta kaliya ee ay xildhibaannadan uga qeyb gali karaan doorashada inay tahay, heshiis wadar-oggol ah oo gaaraan Madasha Wadatashiga Qaranka si waafaqsan Heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020.

"Sida ku cad wareegtadii uu Madaxweynuhu 22-kii Abriil 2022, ka soo saaray doorashooyinkii is barbar socday ee Gobolka Gedo, Xildhibaannada lagu soo doortay Degmooyinka Garbahaarey iyo Ceelwaaq kama qeyb gali karaan doorashada iyada oo aan la helin heshiis ay wadar-oggol u gaareen Madasha Wadatashiga Qaranka si waafaqsan Heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020, ama uusan Barlamaanka 11-aad soo saarin sharci wax ka baddalaya xeerkii Barlamaankii 10-aad labadiisa Aqal ay horey u wada ansixiyeen" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweynaha.

Sidoo kale, madaxweyne Farmaajo ayaa ka hor yimid amar kasoo baxay raysal wasaare Rooble, kaas oo howlgalka ATMIS lagu farayay inay la wareegaaan masuuliyadda amni ee teendhada Afisyooni, halkaas oo la filayo in lagu qabto doorashada guddoomiyaha barlamaanka iyo ku xigeennadiisa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa qoraal uu kasoo saaray xafiiskiisa ku sheegay in Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya uu masuul ka yahay sugidda amniga doorashooyinka dalka, sida ku cad habraacyadii ay ku heshiiyeen Madasha Wadatashiga Qaran.

Farmaajo wuxuu sheegay in Hawlgalka ATMIS uu ku shaqeynayo hannaanka u degsan amniga doorashooyinka oo uu hormuudka u yahay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]