4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 26, 2022
Guddoomiyaha guddiga doorashada guddoonka golaha shacabka oo sheegay in ciidamada Booliiska iyo kuwa NISA ay xirteen xarunta villa Hargeysa
 

Talaado, April, 26, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha guddiga doorashada guddoonka golaha shacabka, xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in taliyaha Booliska iyo Taliyaha Nabad Suggida ay ku khasbeen shaqaalaha Baarlamaanka inay ka guuraan Xarunta Villa Hargeysa, oo ah Xarunta Baarlamaanka.

Guddooomiyaha guddiga doorashada ayaa sheegay ujeedada laga leeyahay arrintan inay tahay in dib loo dhigo ama la joojiyo doorashada guddoomiyaha iyo ku xigeennada golaha shacabka, lana cabsi geliyo shaqaalaha si ay ugu dhaga nuglaadaan rabitaannada villa Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, guddiga u xilsaaran howlaha doorashada ayaa soo gabagabeeyay howlahooda ku aaddan doorashada berri, waxayna sheegeen in geedi socodka dimoqraadiyada Soomaaliya uu sii soconayo oo aysan jiridoonin dib udhigid iyo dib u dhac dambe.

Xalay ayay ahayd markii guddoomiyaha KMG ah ee golaha shacabka uu sheegay in nafsadooda ay qatar ku jirto, isagoo sheegay in lagasoo horjeedo dhaarinta xildhibaannada lagusoo doortay magaalada Ceelwaaq.

Doorashada guddoonka barlamaanka ayaa ku beegan maalinta berrito ah, iyadoo khudbadihii musharraxnimo ay jeediyeen musharraxiinta u taagan guddoonka golaha.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]