4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 26, 2022
TPLF oo sheegtay inay ka baxday gobolka Canfarta
 

Talaado, April, 26, 2022 (HOL) - Kooxda TPLF ayaa sheegtay inay ka baxday dhammaan goobohii ay horey uga haysteen degaanka Canfarta, goobahan ay baneeyeen TPLF ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyay waxaa ku dagaallamayay TPLF iyo ciidanka gaarka ah ee degaanka Canfarta.

TPLF ayaa tallaabadan ay kaga baxeen dhulka Canfarta ku sheegtay mid loogu gogol xaarayo, sidii gargaarka bani'aadanimo u gaari lahaa gobolka dagaalladu wiiqeen ee Tigray.

Geesta kale masuuliyiinta gobolka Canfarta ayaa soo bandhigay burbur badan oo gaaray goobihii ay horey u haysteen TPLF, halkaas oo ay maalmihii u dambeeyay ku hardamayeen TPLF iyo ciidamada Canfartu.

Dhinaca kale dowladda Itoobiya ayaa maalinimadii shalay ahayd, waxay sheegtay in gawaari badan oo siday gargaar kala duwan ay gaareen gobolka Tigray, halkaas oo shacab badani ku haysato macaluul aad u daran.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]