4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 26, 2022
Axmed Karaash: Madaxweyne Deni malahan awood sharciyadeed oo uu kaga hor imaan karo masuuliyiintii aan magacaabay
 

Talaado, April, 26, 2022 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Axmed Karaash ayaa sheegay madaxweynaha Puntland Siciid Deni inuusan lahayn awood sharciyadeed oo uu kaga hor imaan karo xilalkii uu magacaabay maalintii shalay.

Axmed Karaash ayaa sheegay qoraal kasoo baxay madaxweyne Deni ee uu kaga horyimid magacaabida uu sameeyay, inuu yahay mid baalmarsan Dastuurka Puntland, sidaas darteedna Masuuliyiinta uu magacaabay ay leeyihiin xaquuq sharci oo dastuuri ah.

Karaash ayaa ku qabsaday madaxweyne Deni qodob dasruuri ah oo sheegaya in haddii madaxweynuhu ka maqan yahay Puntland uusan dabakhi karo awoodaha iyo mas’uuliyadaha uu Dastuurku farayo.

Deni oo hadda Muqdisho ku sugan ayaa ku dooday inuusan dalka ka maqnayn, sidaas awgeedna aysan dhaqangal ahayn wareegto kasta ee uu soo saaro Madaxweyne ku xigeenka, laakiin markii dastuurka Puntland la eego, waxa uu sheegayaa, haddii madaxweynuhu ka maqan yahay soohdinta Puntland inuusan dabakhi karin awooddaha dastuuriga ah.

Labada mas’uul ayaa khilaafkoodu sii xooggaysanayaa, iyagoo haatan billaabay inay warqado isugu jawaabaan, waxayna arrintaan ka dhalatay kadib markii Axmed Karaash uu magacaabay xilal badan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]