4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 25, 2022
Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo maagcaabay guddoomiyaha gobolka Mudug
 

Isniin, April, 25, 2022 (HOL) - Ku simaha madaxweynaha, ahna Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland, Axmed Karaash, ayaa magacaabay guddoomiyaha gobolka Mudug, sida lagu sheegay wareegto goor dhowayd kasoo baxday madaxtooyada Puntland.

Xilkaan ayaa loo magacaabay Faysal Shiikh Cali Maxamed, wuxuuna beddelidoonaa guddoomiyihii hore ee gobolka Mudug, Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare).

Sanyare oo barlamaanka ku biiray ayaa isaga tagay xilkaan, kadib muddo labo sano ah oo uu xilkaas hayay, isagoo markii hore ku yimid kadib markii guddoomiyihii hore, Axmed Muuse Nuur oo walaalkiis ahaa lagu dilay qarax ismiidaamin ah oo Gaalkacyo ka dhacay May, 2020.

Waa xilkii ugu horreeyay ee uu magacaabo madaxweyne ku xigeenka Puntland, Axmed Karaash oo dhowaan shaaciyay inuu la wareegay masuuliyaddii awooddeed ee Puntland.

Weli madaxweynaha Puntland kama hadlin arrintaan, hase ahaatee, warar HOL uu helayo ayaa sheegaya in Deni iyo Axmed Karaash ay xal horudhac ah ka gaareen khilaafka u dhaxeeyay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]