4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 24, 2022
Xukuumada Somaliland oo qaylo-dhaan kale kasoo saartay xaalada abaarta

Axad, April, 24, 2022 (HOL) - Guddida xukuumada Somaliland u igmatay wax ka qabashada abaarta ku dhufatay deegaanada Somaliland, ayaa sheegtay in xaalada abaartu ay kasii darayso, isla markaana laga cabsi qabo in ay saamayso dad ka badan hal milyan.

Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, ahna guddoomiyaha guddida abaaraha, ayaa ku dhawaaqay in xaalada abaartu ay kasii darayso isla markaana uu dadkii reer miyiga ahaa sii jilcayo.

"Hadii aan raxmaadka Ilahay inosoo dedejinin xaaaladu aad ayay u sii adkaanaysa, meel adag ayay sii maraysa dadkiina wuu sii jilciyaa, dadkii shalay toole gurmadka u baahna ee 5 bilood kahor lagu qiyaasay, 810,000 ee qof, imika waxay tagaysa 1,500,000 oo qof" ayuu yidhi Saylici.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in tan iyo markii abaarta lagu dhawaaqay ay xukuumada iyo ganacsatada Somaliland oo iskaashanayaa 20,000 oo booyadood oo biyo ah ay qaybiyeen isla markaana ay raashin gaadhsiiyeen 55,900 oo qoys oo reer miyi ah.

Saylici ayaa shacabka Somaliland ugu baaqay in ay gacan ka gaystaan wax ka qabashada abaaraha "Waa in shacabka Somaliland guddo iyo dibadba u diyaar garoobo in uu ka qayb qaato taakulaynta dadkeena abaartu saamaysay".

Madaxweyne ku xigeenka ayaa ku dhawaaqay in maalinta Isniinta ah salaad roob doon ah laga tukan doono Somaliland "Waxaanu iclaaminaynaa in berri oo Isniin ah roobdoon laga akhriyo gobolada dalka Somaliland".

Inkasta oo roobab ka da'een qaybo kamid ah gobolada Somaliland, hadana ilaa hada lama helin roobab lagu diirsado oo dadka xoolo dhaqatada ahi kaga soo doogaan abaaraha saameeyay.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online