4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 24, 2022
Itoobiya oo soo bandhigtay xubno ay ku sheegtay inay kamid yihiin Al Shabaab
 

Axad, April, 24, 2022 (HOL) - Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigtay 34 xubnood oo ay ku sheegtay inay ka tirsan yihiin kooxda Al Shabaab,  dowladdu waxay intaa ku dartay in dadkan lagu qabtay Addis Ababa iyo qaar ka mid ah degaannada dalka.

Qabashada xubnahan ayaa waxaa iska kaashaday Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Itoobiya ee NISA, oo gacan ka helaysa Ciidamada Amniga dowlad degaannada Soomaalida iyo Oromada.

Geesta kale dowladdu waxay sheegtay in xubnahani ay maleegayeen falal lid ku ah nabadgalyada dalka Itoobiya, balse la qabtay ka hor inta aanay fulin falalkii u qorshaysnaa xubnahani inay fuliyaan.

Sidoo kale waxay dowladdu xustay inay jiraan xubno kale oo xiriir la leh xubnahan hadda gacanta lagu hayo, kuwaas oo ku kala nool dalalka deriska ah, sida Soomaaliya, Kenya, kuwaas oo iyaga laftigooda lagu dabajiro.

Ma ahan markii u horreysay ee ay dowladdu soo bandhigto dad ay ku eedaynayso inay yihiin Argagaxiso ama Al Shabaab, horey waxay sidanoo kale usoo bandhigtay dad ay ku sheegtay inay amni darro ka wadeen dalka Itoobiya.

Dadkan ay dowladdu hadda soo bandhigtay ayaa intooda badan, waxaa laga kala soo qabtay degaannada Soomaalida iyo Oromada, walise dowlad degaannadaasi kamaysan hadlin dadkan ay soo bandhigeen federalku.


Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]