4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 23, 2022
Kenya oo qunsul cusub u magacawday Somaliland
   

Sabti, April, 23, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Benson Mwaliko u magacaabay qunsulka cusub ee dowladda Kenya u joogi doona magaalada Hargeysa ee Somaliland.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dowladda Kenya ayaa sannadkii hore afar sarkaal oo uu ku jiro Benson Mwaliko u dirtay magaalada Hargeysa, isagoona ku magacawnaa madaxda xafiiska ilaaliya cilaaqaadka labada dhinaca.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Raychelle Omamo ayaa horaantii sannadkan 2022 sheegtay in Kenya ay Somaliland ula dhaqmeyso sida qeyb ka tirsan federaalka Soomaaliya.

Diblumaasiyiintu waxa ay sheegayaan in qiyaas ahaan 10,000 oo Kenyan ah ay ku noolyihiin, kana shaqeynstaan Somaliland.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa sidoo kale magacaabay 24 safiir oo uu ku jiro Maj Gn (Rtd) Thomas Chepkuto, oo loo magacaabay safiirka cusub ee Soomaaliya. Chepkuto waxa uu beddeli doonaa Lucas Tumbo oo xilkan hayay tan iyo 2015kii.

Labadii sannadood ee la soo dhaafay waxaa meeshii ugu hooseysay gaaray xiriirka diblomaasiyadeed ee Kenya iyo Soomaaliya. Labada dal ayaa gaaray heer ay ukala yeertaan safiiradooda, taas oo indhaha kusoo jeedisay Somaliland.

Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]