4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 22, 2022
Booliiska Soomaaliya oo faahfaahin ka bixiyay weerar ismidaamin ah oo lagu weeraray hotel ay ku sugnaayeen xildhibaanno iyo saraakiil ciidan
 

Jimco, April, 22, 2022 (HOL) - Booliska Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyey qarax qof isisoo miidaamiyay oo caawa ka dhacay Hotel kuyaala xeebta Liido, halkaas oo ay ku sugnaayeen Taliyaha ciiddanka Booliiska Soomaaliya iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Afhayeenka ciiddanka Booliiska, Cabdifataax Aadan Xasan ayaa sheegay in saddex qof oo isugu jira Askar iyo shacab ay ku geeriyoodeen qaraxa, halka shan kalena ay ku dhaawacmeen.

Afhayeenka wuxuu sheegay in aysan jirin cid masuul ah oo ay waxyeelo kasoo gaartay Qaraxa, isagoo sheegay in ciidamada amniga ay hor istaageen in ismiidaamiyuhu gudaha u galo hotelka ay ku sugnaayeen taliyaha iyo xildhibaannada.

Dhinaca kale, xildhibaan Cabdi Ibraahim Warsame (Qowdhan) oo kamid ah xildhibaannada lagasoo doortay Puntland, ayaa sheegay in xilliga qaraxu dhacayay ay xildhibannada kasoo jeeda gobolada SSC uu kulan uga socday hotelka la weeraray.

Ururka Alshabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkan, waxayna sheegeen inay doonayeen inay ku beegsadaan saraakiil iyo siyaasiyiin katirsan dowladda federalka Soomaaliya.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online