4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 22, 2022
Madaxweynaha Jubbaland oo gaaray degmada Ceelwaaq oo Maanta doorasho ka bilaabatay


Jimco, April, 22, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Maanta gaaray degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, halkaas oo ay kasocoto doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka ee kasoo baxaya deegaan doorashada labaad ee Jubaland.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Ceelwaaq kusoo dhaweeyay qaar kamid ah golaha wasiirada iyo xubno ka tirsan maamulka degmada Ceelwaaq.

Axmed Madoobe ayaa tagay goobta ay ka socoto doorashada deegaan doorashada labaad ee maamulka Jubaland oo lagu dooran haayo 16-ka kursi ee doorashooyinkooda ay ku harsan tahay Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa goob joog ka ahaa doorashada hal kursi oo ka mid ah kuraasta Maanta lagu doortay degmada Ceelwaaq, isagoona uga mahad celiyay guddiyada doorashooyinka heer Fedaraal iyo heer dowlad goboleed dadaalka aan kala go’a lahayn oo ay ku bixiyeen sidii ay u hirgali laheyd qabashada doorashada deegaan doorashada labaad ee Jubbaland.

Si kastaba ha ahaatee waxaa doorashada Maanta Ceelwaaq ka bilaabatay mid sharci daro ah ku tilmaamay madaxweynaha mudo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online