4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 22, 2022
Guddoomiyeyaasha Guddiyada Doorashada heer Fedaraal iyo heer Dowlad goboleed ee Jubbaland oo Maanta gaaray degmada Ceelwaaq
 

Jimco, April, 22, 2022 (HOL) - Waxaa goordhaw magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo gaaray wafdi uu hoggaaminaayo guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer Fedaraal Muuse Geelle Yuusuf oo uu wehlinaayo guddoomiyaha guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Jubbaland Siyaad Maxamed Mursal.

Wafdiga guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer Fedaraal waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Ceelwaaq kusoo dhaweeyay xubno ka tirsan maamulka degmada iyo wasiirka amniga maamulka Jubbaland Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal.

Ujeedka wafdigaan heer Fedaraal iyo heer dowlad goboleed ay Maanta ku tageen Ceelwaaq ayaa ah sidii ay halkaasi ugu qaban lahayeen doorashada 16-ka kursi ee ku harsan Jubbaland, islamarkaana laga soo wareejiyay degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo.

War qoraal ah oo goordhaw kasoo baxay guddiga doorashada Jubbaland ayay ku  shaaciyeen in sida ugu dhaqsaha badan ay ku qabanayaan doorashada 11 kursi oo dhawaan guddiga sii daayeen odoyaasha soo xulaya ergada 11-ka kursi ee ka mid ah kuraasta 16-ka ah, iyagoona intaa ku daray in Maanta ay gaareen degmada Ceelwaaq Musharaxiinta dooneysa iney u tartamaan kuraasta la shaaciyay si ay u qaadaan shaahadada Musharaxnimo.

Wararka soo baxaya ayaa sidoo kale sheegaya in saacadaha soo socda ee Maanta uu magaalada Ceelwaaq tagi doono madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online