4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 18, 2022
Al-shabaab oo goordhaw la wareegtay gacan ku heynta degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan
 

Isniin, April, 18, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya iney la wareegeen gacan ku heynta degmadaasi dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab.

Dadka ku dhaqan degmada ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay si guud ula wareegeen gacan ku heybta degmada, kadib markii halkaasi ay isaga baxeen ciidamadii dowladda ee horay ugu sugnaa magaalada.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa iney isaga baxaan gudaha degmada ciidamadii ku sugnaa, waxaana dagaalamayaasha Al-shabaab u suurta gashay iney si nabad ah kula wareegaan gacan ku heynta degmada.

Al-shabaab ayaa tiro dhowr jeer oo hore sidaan oo kale ula wareegtay gacan ku heynta magaalada Matabaan ee gobolka Hiiraan oo ah magaalo muhiim u ah isku socodka wadada laamiga ah ee xiriirisa gobolada koonfureed iyo kuwa Waqooyi ee dalka.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha iyo maamulka gobolka Hiiraan oo ku aadan la wareegista Al-shabaab ee degmada Matabaan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online