4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 18, 2022
Labada aqal ee barlamaanka Soomaaliya oo maanta ka shiraya habraaca doorashada guddoonka barlamaanka iyo madaxweynaha

Isniin, April, 18, 2022 (HOL) - Labada aqal ee barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya Kulan wadajir ah oo looga arrinsanayo ansaxinta wax ka badelka Habraaca ku-meel-gaark ah ee Doorashooyinka Guddoonka labada Gole iyo Madaxweynaha.

Guddiyada qabanqaabada doorashada guddoonka ayaa shalay yeeshay kulankii ugu horreeyay oo ay kaga wada hadleen xeerka doorashooyinka guddoonka labada gole iyo madaxweynaha.

Guddiyada ayaa go’aamiyay in xeerka lagu ansixiyo fadhi wadajir ah oo ay labada Gole ee barlamaanka maanta oo isniin ah isugu yimaadaan.

Dhinaca kale, xildhibaannada katirsan barlamaanka ayaa sheegay in madaxtooyadu Soomaaliya ay wado qorshe dib loogu dhigayo doorashada guddoonka barlamaanka, illaa lagasoo dhameystirayo xildhibaanadda aan weli dooran.

Xildhibaan Mahad Salaad oo katirsan barlamaanka  ayaa sheegay inuu socdo abaabul xildhibaan oo ku aadan in dib loo dhigo doorashada guddoonka barlamaanka oo uu loolan adag ka taagan yahay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online