4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 16, 2022
Al-shabaab oo sheegatay iney la wareegeen deegaano ka tirsan gobolka Sh/hoose
 

Sabti, April, 16, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka lagu magacaabo Warmaxan oo ka tirsan gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay dagaal kula wareegeen deegaankaasi.

Deegaanka Warmaxan oo ay fariisimo ku lahayeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa shalay galinkii dambe lasoo wariyay in Al-shabaab ay la wareegeen kadib dagaal xoogan oo mudo ku dhexmaray gudaha deegaankaasi.

Al-shabaab oo ka hadashay dagaalka ay kula wareegtay deegaanka Warmaxan ayaa sheegatay in dagaalka ay ku dileen askar badan walow aysan shaacin tirada ay ku dileen, iyagoo sidoo kalana sheegtay iney nolosha ku qabteen askar kale.

Waxay sidoo kale sheegteen Al-shabaab iney sidoo kale la wareegeen gacan ku heynta tuulada lagu magacaabo Shirey oo qiyaas ahaan 10-KM u jirta degmada Wanlaweyn ee gobolka Sh/hoose.

Marka laga soo tago sheegashada Al-shabaab ee ah iney ciidamada dowladda Soomaaliya kala wareegeen deegaanada kala ah Warmaxan iyo Shirey, majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya oo ku aadan in lagala wareegay deegaanadaasi.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online