3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 17, 2021
Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Hirshabeelle oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho
 

Jimco, September, 17, 2021 (HOL) - Waxaa Maanta magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ku geeriyooday Xildhibaan Maxamed Axmed Faarax, wuxuuna ahaa wasiiru dowlahii wasaaradda Warfaafinta maamul goboleedka Hirshabeelle.

Allah u naxariiste Marxuum Maxamed Axmed Faarax oo loo yaqiinay Kolombo ayaa geeridiisa waxaa Shabakadda HOL u xaqiijiyay Xildhibaano ka tirsan Hirshabeelle, waxayna sheegeen in Marxuumka uu xanuunsana maalmahii lasoo dhaafay maanta uu ku geeriyooday Muqdisho.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa ka tacsiyadeeyay geerida allah u naxariistee Xildhibaan Maxamed Axmed Faarax Kolombo, islamarkaana sheegay inuu murugada la qeybsanaayo qoyskii iyo qarabaadii uu ka baxay Marxuumka.

Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in la aaso meydka allah u naxariistee Maxruum Maxamed Axmed Faarax Kolombo oo ay ka qeyb gali doonaan masuuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
9/17/2021 2:09 PM EST
Jimco, September, 17, 2021 (HOL) - War saxaafadeed ay goordhawayd soo saareen Xisbiga ONLF, ayaa lagu sheegay inay guud ahaan ay qaadaceen ka qaybgalka doorashada degaanka ka dhacaysa dhawaan.

9/17/2021 12:33 PM EST
Jimco, September, 17, 2021 (HOL) - Xubnaha Beesha Caalamka iyo hay'addaha daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa War saxafadeed si wadajir ah uga soo saaray khilaafka daba dheeraaday ee u dhaxeeya madaxweyne Farmaajo iyo Raysal wasaare Rooble.

9/17/2021 10:32 AM EST
Jimco, September, 17, 2021 (HOL) - Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibadda dowladda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo ka hadlay xanibaada diyaarad uu saaarnaa taliyahii hore ee hay'adda Nabadsugida Qaranka Fahad Yaasiin iyo Rikaab kale oo fara badnaa iney dib ugu celinayaan dalka Turkiga oo markii hore ay kasoo duushay diyaarada.

9/17/2021 7:40 AM EST
Jimco, September, 17, 2021 (HOL) - Iyadoo saacadahii lasoo dhaafay ay soo baxayeen warar sheegayay in Agaasimahii hore ee hay'adda NISA Fahad Yaasiin diyaarad uu la socday lagu xanibay dalka Jabuuti ayaa waxaa arintaasi goordhaw ka hadlay Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Xaashi.

9/17/2021 6:55 AM EST
Jimco, September, 17, 2021 (HOL) - Golaha Amaanka Qaramada Midoobay ayaa maanta kulan ka yeelanaya arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan khilaafka sii xoogeystay ee u dhaxeeya labada Masuul ee ugu sareysa Soomaaliya Farmajo iyo Rooble.

9/17/2021 1:44 AM EST
Jimco, September, 17, 2021 (HOL) - Golaha Midowga Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa si kulul u Cambaareeyay qoraalkii kasoo baxay xafiiska madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ee lagu shaaciyay in la hakiyay awoodahii Raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

9/17/2021 1:33 AM EST
Jimco, September, 17, 2021 (HOL) - Madaxda maamul goboleedyada dalka oo xalay kulan ku yeeshay aaladda fogaan araga ee Zoom-ka, ayaa kawada hadlay xaalada cakiran ee u dhaxeysa madaxweyne Farmaajo iyo Raysal wasaare Rooble.

9/17/2021 1:25 AM EST
Jimco, September, 17, 2021 (HOL) - Xogeeyaha guud ee xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi, ayaa xukuumada Somaliland ku eedeeyay in anay daacad ka ahayn sugida amaanka magaalada Laascaanood.