4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 17, 2021
Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay oo Maanta ka Shiraya Arrimaha Soomaaliya
 

Jimco, September, 17, 2021 (HOL) - Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta kulan ka yeelanaya arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan khilaafka sii xoogeystay ee u dhaxeeya labada Masuul ee ugu sareysa Soomaaliya Farmajo iyo Rooble.

Afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric ayaa sheegay in shirkan uu noqon doono mid ay albaabadu u xiran yihiin, islamarkaana warbixin ku aadan xaalada cakiran ee dhanka siyaasada Soomaaliya looga dhageysan doono Wakiilka Xogayaha Guud ee Qaramada Midoobay James Swan.

"Wadahadal niyadsami ah wuxuu ahmiyadda ugu horreysa siinayaa baahida dhammaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan in Soomaaliya loo oggolaado inay ku sii socoto wadada xassilloonida iyo dib-u habeynta dalkaā€¯ ayuu yiri afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric.

Kulankan aay maanta yeelanayaan Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa imaanaya xili marba marka ka dambeysa uu cirka isku sii shareerayo khilaafka u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble oo markii hore ka bilaawday kiisa Ikraan Tahliil Faarax.

Gabagabada kulanka Golaha Amaanka ay maanta ka yeelanayaan xaalada cakiran ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa iney kasoo saaraan War murtiyeed la xariira arrimaha Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]