4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 16, 2021
Taliyaha ciidanka Haramcad oo ku dhaawacmay iska hor imaad ka dhacay Muqdisho
 

Khamiis, September, 16, 2021 (HOL) - Taliyaha Ciidanka Haramcad Cabdixamiid Cabdillaahi Fanax oo hoggaaminayay ciidamadda Haramcad ayaa dhaawac ka soo gaarey kadib dagaal saakay ciidamadda milatariga iyo kuwa Haramcad ku dhexmaray isgoyska Banaadir ee Muqdisho.

Qoraal lagu daabacay barta Facebook ee taliska ciiddanka Haramcad ayaa lagu sheegay, in taliyaha dhaawaciisa la geeyey isbitaalka Digfeer ee magaalada muqdisho, halkaas oo xaaladiisa caafimaad lagu daaweynayo.

Dagaalka u dhexeeyay ciidanka Haramcad iyo kuwa milatariga ayaa ka dhashay is qabqabsi dhinaca dhulka ah, waxaana ku dhaawacmay saddex qof oo xaaladdooda caafimaad qeybtood ay culus tahay.

Afhayeenka ciidanka booliiska Soomaaliya, ayaa sheegay in la isku qabsaday dhul kuyaala isgoyska gobolka Banaadir, wuxuuna sheegay in dhulkaas haatan ay gacanta ku hayaan ciidamada bilayska.

Ma ahan markii ugu horraysay oo ciidamada dowladda ku dagaalamaan muran dhuleed, waxaana hadda dhulka lagu dagaalamayaan uu kiiskiisa ka furan yahay maxkamadda gobolka Banaadir.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online