3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 15, 2021
Sadax kursi oo ka mid ah kuraasta Aqalka sare oo maanta markale lagu wado in Jowhar lagu doorto
 

Arbaco, September, 15, 2021 (HOL) - Waxaa maanta markale lagu wadaa in magaalada Jowhar ay ka dhacdo doorashada kuraas ka tirsan Baarlamaanka Aqalka sare ee deegaan doorashadoodu tahay Hirshabeelle.

Ilaa 11 Musharax ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay ku wada tartamaan 3 kursi oo ka mid ah 5-ta kursi ee ka harsan doorashada sideeda kursi ee Hirshabeelle oo sadax ka mid aheyd shalay lagu doortay Jowhar.

Mushaxiinta maanta ku tartami doona sadaxda kursi ee lagu wado iney doorashadoodu qabsoonta ayaa kala ah.

1- Xasan Iidow Muxumed, Cabdinuur Ibraahim nuur, Cismaan Axmed Macow

2- Cismaan Maxamuud Dufle, Maxamuud  Axmed Nuur tarsan, Raage Xasan Xuute

3- Cali Shacbaan Ibraahim, Caballe Xuseen Cabdi, Caasho Xuseen Abuukar, Cabdulahi tawaad, Cabdiqaadir Xanafi

Doorashada maanta dhaceysa ee sadaxda kursi ah ayaa waxaa la sheegaya in kursiga ugu doorashada adag uu yahay, kursiga ay ku wada tartami doonaan Musharaxiinta kala ah, Dr, Cismaan Maxamuud Maxamed Dufle, Danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarsan iyo Raage Xasan Cismaan Xuuti.

Tan iyo Xalay waxaa magaalada Jowhar laga dhex dareemayay kulamo gooni gooni ah oo ay Musharaxiinta lakala qaadanayeen Xildhibaanadda Hirshabeelle oo Musharax kasta ka codsanaayay iney codkooda siiyaan.

Doorashadii Shalay gabal dhacii ka bilaabatay magaalada Jowhar ayaa waxaa kursiga koowaad ee Aqalka Sare ee Hirshabeelle ku guuleystay Senatar Muuse Suudi Yalaxow, waxaana kursiga labaad loo doortay Nuur Maxamed Canjeex, iyadoo midka saddexaad ay ku guuleysatay Fartuun Cabdulqaadir Faarax Karaama oo Cod gacan taag ah lagu doortay kadib markii ay tanaasushay gabadhii la tartameysay.

Doorashada labada kursi ee ugu dambeysa kuraasta ka sideeda ah ee doorashadoodu taalo Jowhar ayaa waaxay dhaceysa maalinta berito ah sida uu yahay qorshaha doorashada Aqalka sare ee Hirshabeelle.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
9/15/2021 3:16 PM EST
Arbaco, September, 15, 2021 (HOL) - Waxaa goordhaw soo gabagaboobay doorashada kursi ka mid ahaa sideeda kursi ee Aqalka sare Baarlamaanka Soomaaliya ee deegaan doorashadiisa tahay Hirshabeelle, waxaana kuso baxay doorashada kursiga Dr Cismaan Maxamuud Dufle.

9/15/2021 2:02 PM EST
Arbaco, September, 15, 2021 (HOL) - Wasiirka haweenka iyo horumarinta xaquuqda aadanaha Xukumaadda Soomaaliya Xaniifa Maxamed Ibraahim Xaabsade ayaa ku eedeysay madaxweynaha Koonfur Galbeed in kala aragti duwanaashaha siyaasadeed ee kala dhaxeysa ay ku ekaan waysay labadood oo uu u gudbay dhanka qoyskeeda.

9/15/2021 12:50 PM EST
Arbaco, September, 15, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha Hay'adaha Caymiska Somaliland Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari) ayaa beeniyay eedaha sheegaya in caymiskii baabuurta la joojiyay kadib markii qaar kamid ah baabuurlaydu ay cabasho muujiyeen.

9/15/2021 9:36 AM EST
Arbaco, September, 15, 2021 (HOL) - Agaasimaha KMG ee NISA Sareeye Guud Bashiir Goobe ayaa Taliyaha hay’adda Nabad sugidda ee gobolka Banaadir u magacaabay Gaashaanlle Muxidiin Maxamed Jimcaale (Warbac).

9/15/2021 9:18 AM EST
Arbaco, September, 15, 2021 (HOL) - Hay’adda caalamiga ah ee xasaradaha adduunka ee ICG, ayaa soo saartay warbixin ay walaac xooggan kaga muujinayso xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan khilaafka u dhexeeya madaxweyne Farmaajo iyo raysal wasaare Rooble.

9/15/2021 8:30 AM EST
Arbaco, September, 15, 2021 (HOL) - Gudoomiyaha guddiga maamulka doorashada gobolada waqooyi ee Somaliland Khadar Xariir Xuseen ayaa ka codsaday Raysalwasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guleed iyo Gudoomiyaha Aqalka Sare ee JFS Cabdi Xaashi Cabdilahi inay soo gudbiyaan liiska musharixiinta Aqalka sare ee Somaliland.

9/15/2021 8:21 AM EST
Arbaco, September, 15, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilsay Safiirka cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Tina Intelmann.

9/15/2021 7:41 AM EST
Arbaco, September, 15, 2021 (HOL) - Raysal wasaarahii hore ee Soomaaliya, ahaana Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay khilaafka xoogan ee ka dhex taagan madaxweyne Farmaajo iyo raysal wasaare Rooble ee ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

9/15/2021 1:30 AM EST
Arbaco, September, 15, 2021 (HOL) - Ugu yaraan 11 qof oo ay ku jiraan askar iyo dad rayid ah ayaa ku geeriyooday tiro kalena way ku dhaawacmeen kadib markii qof isku soo xiray walxaha qarxa uu xalay isku qarxiyay maqaaxi shaaha laga cabo oo ku taal degmada Wadajir ee Muqdisho.

9/15/2021 1:16 AM EST
Arbaco, September, 15, 2021 (HOL) - Bangiga Adduunka ayaa saadaaliyay in dhaqaalaha Soomaaliya uu kobci doono 2.4 boqolkiiba sannadkan 2021-ka sida uu ku sheegay warbixin cusub oo uu soo saaray.