4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 13, 2021
Raysal Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay hay'addaha Maaliyadda dalka
 

Isniin, September, 13, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen rooble ayaa maanta kulan kula qaatay magaalada Muqdisho wasiirka Maaliyada Soomaaliya Guddoomiyaha Bangiga dhexe Xisaabiyaha guud ee dalka.

Kulanka dhexmaray Raysal wasaaraha dalka iyo madaxda Maaliyada ayaa waxaa looga hadlay joogteynta mushaarka shaqaalaha dowladda, ciidanka, kharashaadka wasaaradaha iyo waliba hay'adaha kale ee dowladda Soomaaliya.

"Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ka duulaya waajibaadkiisa korjoogreynta, la xisaabtanka iyo xiriirinta shaqooyinka hay’adaha dowladda ayaa kulan la yeeshay hay’adaha maaliyadda dalka sida Wasaaradda Maaliyadda,Bangiga dhexe iyo Xisaabiyaha guud. Kulanka ayaa looga hadlay daahfurnaanta Nidaamka Maamulka  Maaliyadda dalka, joogteynta bixinta mushaaraadka shaqaalaha dowladda iyo ciidanka, kharashaadka wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dowladda, xoojinta wadashaqeynta dhexdooda ah iyo dardar gelinta howlaha deyn cafinta" ayaa yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Raysal wasaare Rooble

Raysal wasaare Rooble ayaa faray madaxda Maaliyadda in lala soo socodsiiyo hubinta kharash bixinta iyo lacagaha hay'adda IMF qoondada dowladda, isagoona sheegay in iyadoo ongolaasho laga heysan Xafiiskiisa inaan la bixin karin wax dhaqaale ah.

Shalay ayay aheyd markii uu Raysal wasaaraha Soomaaliya soo saaray amar ku saabsana inaan wasaaradda Maaliyada aysan khasnada dowladda ka bixin karin lacag iyadoo aanan ogolaasho laga haysan Raysal wasaaraha Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]