3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 10, 2021
Puntland oo soo bandhigtay qaar katirsan raggii ka dambeeyay weerarkii xabsiga magaalada Boosaaso
 

Jimco, September, 10, 2021 (HOL) - Puntland ayaa soo bandhigtay qaar katirsan dagaalamayaashii Alshabaab ee weeraray xabsiga magaalada Boosaaso iyo qaar kamid ah maxaabiistii Alshabab ee lasoo qabtay markii ay xabsiga ka fakadeen.

Maxaabiista lasoo bandhigay oo bixinaya wareysiyo kala duwan ayaa ka sheekeeyay sidii loosoo qorsheeyay weerarkii Alshabab kula wareegeen xabsiga Boosaaso, halkaas oo ay kala baxeen boqolaal maxaabiis ah.

Maxaabiista waxay sheegeen in sababaha fududeeyay weerarka xabsiga ay qeyb ka ahayd kadib markii maxaabiista Alshabaab loo oggolaaday isticmaalka taleefoonada, taasoo u sahashay in ay si toos ah ula socdaan dhaqdhaqaaqa xabsiga.

Xogaha ay maxaabiista bixiyeen waxaa kamid ah, in ay Alshabaab bil walba lacag dhan kun dollar usoo diri jirtay maxaabiista kaga xiran xabsiga Bosaso, waxaana laacagtaas lagu hagaajin jiray sarkaal katirsan maamulka xabsiga oo kadibna lacagta u kala qeybin jiray maxaabiista, sida ay sheegeen qaar kamid ah maxaabiista la wareysnayay.

Wareysiga laga qaaday mid kamid ah maxaabiista wuxuu sheegayaa, in Nin lagu magacaabo Mukhtaar oo katirsanaa maxaabiista Ashabaab ee xabsiga Bosaso ku xirnaa, ay si toos ah ulasoo xiriiri jireen Alshabaab, iyagoo u markii dambe u sheegay in ay xabsiga soo wareerayaan.

Weerarkii xabsiga Bosaso ayaa kamid ahaa weeraradii ugu xoogganaa ee Alshabaab ay ka geystaan Puntland, waxaana u suurto gashay in la baxaan saraakiil muhiim ah oo muddo dheer xabsiga uga xirnaa iyo kuwa dil sugayaal ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
9/10/2021 12:16 PM EST
Jimco, September, 10, 2021 (HOL) - Kulan degdeg oo ay maanta isugu yimaadeen golaha midowga musharraxiinta madaxweynaha, waxay ku dhawaaqeen in ay si buuxda u garab istaagan yihiin raysal wasaare Rooble.

9/10/2021 12:06 PM EST
Jimco, September, 10, 2021 (HOL) - Guddoomiyihii hore ee maxkamadda Sare ee dalka, Abukaate Caydiid Ilka Xanaf ayaa sheegay in raysal wasaare rooble uu sharciyan ku saxan yahay magacaabida iyo dhaarinta xubinta kamid ah golihiisa wasiiradda.

9/10/2021 10:34 AM EST
Jimco, September, 10, 2021 (HOL) - Xogeeyaha guud ee xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye Ibraahin Axmed Raabi, ayaa ku eedeeyay madaxda sare ee xisbiga mucaarad ka ah ee Waddani in anay si buuxda u aaminsanayn qadiyada madaxbannaanida Somaliland.

9/10/2021 9:42 AM EST
Jimco, September, 10, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani Cabdiraxman Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ku dhawaaqay in uu markale u tar tamayo jagada guddoomiyaha xisbiga, doorashada qabsoomi doonta shirwaynaha xisbiga ee la qaban doono 30-31 October.

9/10/2021 6:53 AM EST
Jimco, September, 10, 2021 (HOL) - Heshiis Horudhac ah ayaa laga gaaray dagaal muddooyinkii dambe Maleyshiyo beeleed ku dhex marayay deegaanka Kabxanley ee gobolka Hiiraan.

9/10/2021 2:19 AM EST
Jimco, September, 10, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo Gaalacyo ku sugan, ayaa ku guddoonsiiyay abaalmarino Ciidamadii iyo Masuuliyiintii kale ee ka qayb qaatay nabadgelyada Gobolka Mudug.

9/10/2021 1:41 AM EST
Jimco, September, 10, 2021 (HOL) - Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Galmudug iyo Koonfur galbeed ayaa Muqdisho u tagay sidii ay waan waan uga dhex bilaabi lahaayeen madaxweyne Farmaajo iyo raysal wasaare Rooble oo khilaafkoodu meel adag uu gaaray.