4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 9 , 2021
Taliska ciidanka xooga dalka oo soo bandhigay Sarkaal Shabaab ka tirsanaa oo isku soo dhiibay
 

Sabti, October, 9, 2021 (HOL) - Saraakiisha ciidanka xoogga dalka qeybta 60-aad ee ka howlgala deegaanada maamulka Koofur Galbeed ayaa soo bandhigay sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab oo isku soo dhiibay.

Sarkaalka isa soo dhiibay ayaa magaciisa lagu sheegay Aadan Shiniyoow Ibraahin oo la sheegay inuu ahaa sarkaal Shabaab u qaabilsana dhanka Jabhada ka tirsanaa Shabaab muddo 10 sano, waxuuna kaaso kasoo qeyb qaatay dagaalo ka dhacay gobolada Gedo Hiiraan, Baay iyo Bakool

Aadan Shiniyow oo wareysi lala yeeshay ayaa sheegay inuu la kulmi jiray Saraakiisha sar sare ee Al-shabaab, wuxuuna carabaabay Magacyadooda Saraakiishaas oo ku kala sheegay Afhayeenka Al-shabaab Sheekh Cali Dheere iyo saraakiil kale oo uu ka mid yahay Sheekh Fu'ad.

Majirto wali wax war ah oo kasoo baxay dhanka Al-shabaab oo ku aadan Sarkaalkan isku soo dhiibay  Ciidanka Xoogga dalka qeybta 60-aad ee ka howlgala deegaanada Koonfur Galbeed ay sheegeen inuu kasoo goostay dagaalamayaasha Al-shabaab.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]