3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 8 , 2021
Dowladda Kenya oo shaacisay in aysan aqoonsan doonin xukunka maxkamadda ICJ ee kiiska badda
 

Jimco, October, 8, 2021 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa maanta oo jimce ah shaaca ka qaaday in aysan aqoonsan doonin go’aanka Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda adduunka (ICJ), ay ka gaarayso kiiska badda ee Soomaaliya.

Xoghayaha arrimaha dibbada Kenya, Macharia Kamau, oo suxufiyiinta kula hadlayay magaalada Nairobi, ayaa sheegay in Kenya aysan u hoggaansami doonin natiijooyinka iyo bayaannada maxkamadda kasoo baxa.

Dowladda Kenya waxay ku dooddaysaa in maxkamaddu aysan lahayn awood ay ku go'aamiso arrinta kiiska badda ee kala dhexeeya Soomaaliya.

“Kenya laguma qaadi doono dacwad caalami ah oggolaansho la'aan,” ayuu yiri Macharia Kamau, oo sheegay in Kenya mustaqbalka ka fakarayso ka baxitaanka ICJ.

Go'aanka Kenya ku dhawaaqay, ayaa kusoo aadaya, iyadoo ICJ ay isku diyaarineyso inay shaaciso xukunka kiiska badda.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
10/8/2021 11:00 AM EST
Jimco, October, 8, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Koonfur galbeed, ayaa wafdi wasiirro ah usoo diray magaalada Gaalkacyo, oo ay ku sugan yihiin boqolaal qoys oo Somaliland ay si khasab ah ugasoo saartay magaalada Laascaanood.

10/8/2021 4:09 AM EST
Jimco, October, 8, 2021 (HOL) - Dowladda Maraykanka ayaa xalay duqeyn cirka ah ku bartilmaameedsaday saldhigyo ay leeyihiin kooxda Al-Shabaab, waxaana soo baxaya warar sheegaya inuu jiro khasaare xooggan oo gaaray Alshabaab.

10/8/2021 3:29 AM EST
Jimco, October, 8, 2021 (HOL) - Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa qeylo dhaan abaareed oo xooggan soo saaray, kadib shir ka dhacay magaalada Kismaayo oo uu shir guddoominayay madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe.

10/8/2021 3:01 AM EST
Jimco, October, 8, 2021 (HOL) - UK ayaa xaqiijisay in laga billaabo Isniinta soo socota, 47 waddan la laga saari doono liiska cas, taas oo u sahlaysa dad badan inay u safraan dibadda si ay u aaddan dalalka ay doonayaan.

10/8/2021 2:13 AM EST
Jimco, October, 8, 2021 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa xalay golihiisa wasiiradda la qaatay kulan saacaddo badan qaatay oo looga hadlayay dhaqdhaqaaqyada amni ee ka jira Galmudug.