3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 8 , 2021
UK oo Soomaaliya ka saaraysa dalalka ku jira liiska cas
 

Jimco, October, 8, 2021 (HOL) - UK ayaa xaqiijisay in laga billaabo Isniinta soo socota, 47 waddan la laga saari doono liiska cas, taas oo u sahlaysa dad badan inay u safraan dibadda si ay u aaddan dalalka ay doonayaan.

Dalalka laga saaray liiska cas, waxaa qeyb ka ah Soomaaliya, taasoo la micno ah in rakaabka ku soo laabanaya England ee ka tagaya Soomaaliya aan looga baahan doonin inay galaan xaalad karantiil.

Go’aanka ku saabsan dalalka laga saarayo liiska cas ee England ayaa la qaatay kadib kulan ay yeesheen wasiirrada xukuumadda Khamiistii shalay.

Dadka sida buuxda isu tallaalay ee soo galaya England, waxaa go’aankaan uu sheegayaa in laga dhaafi doono in ay maraan karantiil.

Dowladda UK waxay sheegtay horumarka laga gaaray tallaalka Covid-19, in ay ka dhigan tahay in dawladdu si kalsooni leh u yareyn karto baaxadda halista ugu badan ee safmarka Coronavirus.

UK, waxay sheegtay go'aankaan inuu qeyb ka yahay tallaabooyin lagu soo celinayo kalsoonida dadka safarka ah, oo ay sheegtay in ay fure u yihiin dib -u -dhiska dhaqaalaha iyo soo kabashada dalkaas.

Safaaradda UK ee Soomaaliya ayaa soo dhoweysay go’aankaan, waxayna sheegtay in tani noqon doonto war lagu soo dhoweynayo iskaashiga xooggan ee ka dhexeeya Boqortooyada Ingiriiska iyo Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
10/8/2021 11:00 AM EST
Jimco, October, 8, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Koonfur galbeed, ayaa wafdi wasiirro ah usoo diray magaalada Gaalkacyo, oo ay ku sugan yihiin boqolaal qoys oo Somaliland ay si khasab ah ugasoo saartay magaalada Laascaanood.

10/8/2021 8:03 AM EST
Jimco, October, 8, 2021 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa maanta oo jimce ah shaaca ka qaaday in aysan aqoonsan doonin go’aanka Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda adduunka (ICJ), ay ka gaarayso kiiska badda ee Soomaaliya.

10/8/2021 4:09 AM EST
Jimco, October, 8, 2021 (HOL) - Dowladda Maraykanka ayaa xalay duqeyn cirka ah ku bartilmaameedsaday saldhigyo ay leeyihiin kooxda Al-Shabaab, waxaana soo baxaya warar sheegaya inuu jiro khasaare xooggan oo gaaray Alshabaab.

10/8/2021 3:29 AM EST
Jimco, October, 8, 2021 (HOL) - Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa qeylo dhaan abaareed oo xooggan soo saaray, kadib shir ka dhacay magaalada Kismaayo oo uu shir guddoominayay madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe.

10/8/2021 2:13 AM EST
Jimco, October, 8, 2021 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa xalay golihiisa wasiiradda la qaatay kulan saacaddo badan qaatay oo looga hadlayay dhaqdhaqaaqyada amni ee ka jira Galmudug.