3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 7 , 2021
Madaxweynaha Oromiya oo saaka lagusoo dhaweeyay magaalada Jigjiga


Khamiis, October, 7, 2021 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Jigjiga soo gaaray wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Degaanka Oromiya Shimalis Abdhisa,.

Wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Jigjiga kusoo dhaweeyay madaxda degaanka u sareeysa oo uu kamid yahay Madaxweyne Mustafe cagjar, ku xigeenkiisa Ibraahim Cusmaan Faarax, iyo masuuliyiin kale.

Intaa kaddib wafdiga Madaxweynaha Oromiya oo uu weheliyo Madaxwayne Mustafe cagjar ayaa u ambabaxay dhinacaa iyo magaalada Jinacsani oo kamid ah degaanka Oromiya.

Jinacsani ayaa waayadii hore ahayd magaalo katirsan dowlad degaanka Soomaalida, balse markii dambe laga dhigay degaanka Oromiya.

Booqashadan Madaxwaynaha Oromiya ee jinacsani ayaa noqonaysa tii u horeysay tan iyo intii loo doortay inuu noqdo madaxwaynaha rasmiga ah ee Oromiya.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
10/7/2021 1:39 PM EST
Khamiis, October, 7, 2021 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan soo gaaray ku dhawaad 100 qoys oo ka mid ah dadkii maamulka Soomaaliland kasoo masaafurisay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

10/7/2021 11:34 AM EST
Khamiis, October, 7, 2021 (HOL) - Fannanada Kiin Jaamac yare oo Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Somaliland ay ka joojisay bandhig faneed ay Hargaysa caawa ku qaban lahayd, ayaa sheegtay in bandhigeedi uu caawa dhacayo kadib markii ay ogolaansho ka heshay xukuumada.

10/7/2021 11:19 AM EST
Khamiis, October, 7, 2021 (HOL) - Sida ku xusan Xeerka Ilaalinta Anshaxa iyo Nabadgalyada Guud ee Somaliland ee xeer LR. 51/2012, qodobkiisa 23aad ma jiro wasaarad, hay'ad ama shakhsi awood u leh in uu joojiyo bandhig-faneedyada noocyadooda kala duwan, sida heesaha, filimada, riywaayadaha iyo W.L.M.

10/7/2021 11:11 AM EST
Khamiis, October, 7, 2021 (HOL) - Wasiirka amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi ayaa goor dhowayd shaaciyay inuu iska casilay xilkii wasiirnimo ee amniga Galmudug, sida uu ku sheegay qoraal rasmi ah oo uu kusoo daabacay bartiisa Facbebook.

10/7/2021 8:55 AM EST
Khamiis, October, 7, 2021 (HOL) - Wasaarada diinta iyo awqaafta Somaliland ayaa joojisay bandhig-faneed ay fannaanada Kiin Jaamac yare caawa ku qaban lahayd magaalada Hargaysa.

10/7/2021 8:25 AM EST
Khamiis, October, 7, 2021 (HOL) - Afhayeenka xisbiga Waddani Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun, ayaa raysal wasaaraha Soomaaliya Maxammed Xuseen Rooble, ku eedeeyay in uu ka dhex munaafaqadaynayo bulshada Somaliland.

10/7/2021 7:25 AM EST
Khamiis, October, 7, 2021 (HOL) - Wasiirada warfaafinta iyo arrimaha gudaha ee Somaliland, ayaa raysal wasaaraha Soomaaliya Maxammed Xuseen Rooble, ku tilmaamay shakhsi musuq-maasuq badan, waxayna sheegeen in musuqiisa dartii hay'ada ILO ee QM Somaliland looga saaray.

10/7/2021 5:42 AM EST
Khamiis, October, 7, 2021 (HOL) - 40 sano jir kamid ah dadkii lagasoo barakaciyay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ayaa magaalada Gaalkacyo ugu geeriyooday safmarka Covid19, sida ay HOL u sheegeen ilo katirsan saraakiisha caafimaadka Puntland.

10/7/2021 3:47 AM EST
Khamiis, October, 7, 2021 (HOL) - Wasiirka maaliyadda maamulka Puntland, Xasan Shire Abgaal ayaa sheegay, in cid kaste oo ka hor timaada ama diida canshuurta ay ula yimid yihiin Alshabaab, isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay xarumaha waxbarashada.

10/7/2021 1:31 AM EST
Khamiis, October, 7, 2021 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ay ku qaadeen ciidamo ka tirsan dagaalyahanada Al-shabaab Saldhigyada ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin degmada Janaalle ee gobolka Sh/hoose.

10/7/2021 1:18 AM EST
Khamiis, October, 7, 2021 (HOL) - Al-shabaab ayaa markale toogasho ku fulisay laba ruux oo rag ah oo ay ku eedeeyeen inuu mid kamid ah ka tirsanaa ciidamada Jubbaland, halka midka kalana ay sheegeen inuu faraxumeyn ku sameeyay wiil yar oo 5 sano jir ahaa.

10/6/2021 9:14 PM EST
Baaritaan ballaaran oo caalami ah oo loogu magacdaray ‘dokumentiyada Pandora’ ayaa daaha ka rogay hab dhaqanka qaar ka mid ah madaxda adduunka iyo shaqsiyaad kale oo hanti farabadan oo isku geyn qiimiho ahaan gaaraya tiriliyan dollar ku qarsaday meelo ka fog dalalkooda, meelahaas oo sharciyadda ka jiraa aanay waajib ka dhigaynin in canshuur laga bixiyo dhaqaalaha laga keenay dalal kale.